Xilliga Rasmiga ah Oo la fulinayo dilka rag loo heysto kiiskii Caasho Ilyaas oo la shaaciyey

0
Sunday January 12, 2020 - 14:23:14 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xilliga Rasmiga ah Oo la fulinayo dilka rag loo heysto kiiskii Caasho Ilyaas oo la shaaciyey

    Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowlad Goboleedka Puntland waxaa uu sheegay in xukunka dilka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowlad Goboleedka Puntland waxaa uu sheegay in xukunka dilka

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa sirasmi ah u shaaciyey waqtiga la xukunka dilka ahaa lagu fulin doono Saddex rag ah oo loo heysto kufsigii iyo dilkii loogu geystay Gaalkacyo Gabar yar oo 12 jir aheyd taas oo lagu Magacaabi jirey Caaisho Ilyaas Aadan.

 

Saddexda ragga ah oo Maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan ayaa waxaa horaantii Bishii Febaraayo ee sanadkii tegay ee 2019 Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ay fal kufsi iyo dil ah u geysteen Caaisho Ilyaas Aadan oo kamid aheyd dadka ku nool Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.




Raggan Saddexda ah oo lagu kala Magacaabo C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii tegay ee 2019 waxaa Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku ridey xukun dil ah,iyada oo Maxkamadda Racfaanka ay ku raacday xukunkaas,kadib markii ay racfaan ka qaateen.


 

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowlad Goboleedka Puntland waxaa uu sheegay in xukunka dilka ah ee raggaas la fulin doono 11/02/2020 marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo, goobta laga fulin doonana ay tahay fagaaro ku yaalla Boosaaso.

 

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan wax laga weeydiiyey sababaha loo fulin la’yahay xukunka dilka ah ee Saddex ragga ah,waxaana uu sheegay in taasi ay go’aan ka gaari doonaan maxkamadaha Puntland.

Loading...
Loading...