Waa Macmiil Caanuhu (Abdi-Shotaly).

0
Saturday January 11, 2020 - 09:41:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Macmiil Caanuhu (Abdi-Shotaly).

    Ilayn doqoni waa degel joog, ilaa daan la qarxiyana ma joog-sato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilayn doqoni waa degel joog, ilaa daan la qarxiyana ma joog-sato.

Ninka isku magacaaba Boqor kud-madow, in uu Hargeiysa ka dhex hanjabo iyo ciduu u hanjaba-yaaba waa la garanayaa, kuwaa-sina waa kuwii ay Hag-badu isugu jirto, ee bilba mid loo ururiyo.  khristaw aan idiinka sheekeeyo dhacado qosol badan.  Aan idiin bilaabo'e " Bari-baa islaan Magaalo Caano keeni jirtay, ay maalin-maalmaha ka mid ah, iyadda oo Magalaaddii ku soo Socota, ayey xaajo u fadhii-satay, waxay kacday iyadda oon sii deysan maradii xaga dambe, haantii ay caanaha ku geynaysay magaala-dana ku sidata dhabarka.  Islaantii ayaa Soo dhaqaaqdey iyadoo Caanihina dhabarka u saar yihiin, maraduna u faydan-tahay, waxay soo socoto-ba waata Magaaladdii soo gashay " Markii ay magaaladii soo dhex maraysay, baa qofkii dhaafaa-ba wuxu ku yidhaahaa " Eedo  maradda sii deyso"  ilayn isma oga in ay dabadu qaawan tahye, waxay u qaada-taa in la leeyahay caanaha naga iibi, Waxana ay ugu jawaabtaa " Waa Macmiil, Waa Macmiil", Waxan u soo qaatay maanta, sheekadaa waxa weeye  "Kud madoobi" oo dabadda maanta faytay, isaga oo ka had laaya hudheelka Guuleed ee Hargeysa, wuxu ku cadeeyey shir-kaas jaraa"id, in Madaxnimadda Somaliland ay macmiil u tahay ama khaas ay u leeyihiin beelaha " Jeegaantu" oo ujeeda-diisu waxay tahay sidaa islaan-taas " Waa Macmiil" oo cid kale ma helyaan kurisiga, waana sidda ay ku socotaa, ha-yeeshee Ummadda reer somaliland bay u taalaa waxay ay ka yeela-yaan, waa taas oo waxa weeye biyo kama dhib-caan ka dhigay  Kud madoobiye.



Tix baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa " Alla doori hadalka wuu yaqaan, waana ka agnaane" Waa dhab oo ilayn waa micna yare'e,oo diradira-nimadiisii buu hargeysa u fadhi-yaaye. Kaluunka baa culaaf xadhig loogu xidhay, si loogu dabo intuu doonto afka la gala, hadhaw-na ka bixi kari waaya'e, bal kud-madoobi ha ka jawaabo su'aalahan isagaa is gawra-cayee. Marka uu qabyaalad ahaan ku taageeraayo "Ina Riyo Raac" ee uu leeyahay Somaliland iyo Ina Riyo raac baa isku xidhan, hadana uu leeyahay " Waa  fool-xumo in Faysal Cali Waraaebe reer soo dhaweeyaa" Markee buu sax yahay ama khaldan yahay? Waa nin aan is dhegaysan, oo cumaamad aanu qaadi karin guudka si khaldan loogaga tuuraye. Waxa kale oo aan weydiiyey in uu ka jawaabo, marka uu leeyahay labadda nin ee la isku khuukhi-nayaa waa Habar jeclo (  Waa geenyo shaaximan iyo Maxamuud beenaale), ee faraha kala baxa anaka baa keenayna kaanu doono oo ay noo taalaa " Miyaanay Kulmiye u oolin gudoomiyahu" Ma reer baa ka tashadda Qudha? Mise ummadda dalka ka taageerta? Siduu u hadlay marka la eego, waa in ay dadka aan ahayn beelaha la yidhaaho " Jeegaantu" ay aaya-hoodda ka tashadaan, mar haddii aan loo sinayn, ee ay cid gaari ku maxaafsatro, iyakana la isticmaalaayo.


Ruuxii agnaan ahi, hadalka wuu gagabi-yaaye, bal in aanu dhamayn, oo wax weyni ka si yihiin " Qabayaalad buu dabo ilaa dacal ka hadlayaa" hadana beelaha kale buu u diidayaa, in ay sameeyaan waxa beerka isaga googooyey, saw munaafaqa koowaad maaha? Ee naxli iyo cuqdad wax aan ahayn aan ku korin, kuna biyo cabin. Maxaa Qabyaala-diisa ka dhigay wadaninimo? Ta beelaha kale-na reernimo? Ha ka jawaabo af-janjeedha lahaaye. Nin baa laga hayaa " Waxan kaga ciil la'ahay arintan waa " Walle iyo bille la ii maraaye"  Waxan ku soo xidhay maqaalkan, Kud-madoowi ha soo maro " Futo isku hayn iyo kala hayn mid uun" Yaanu kolba sidda carsaan-yadda dhanka la iska taago mooyee, dhinaca kale isu rogine" Waxa la yidhi " Xamiido nina way rabtaa, haab-keedna ma hayso'e". Iyo maah-maahddii ahayd " Waraabaw in aad saamo jiidiyo, sanqadh tirasho kala daaye" Qaran baan doonayaa, hadana keligay baan ku lisanaaya, isma raacdo'e, doc waxan kharfay ha isugu baydho, yaanu galgalan siddii hal gelgelin takar iskaga duuli-naysa'e. Waxan ugu dambayn ku soo af-jaray qoraalkan kud-madoowaw " Falaadhi giligi-lasho kaagama go'do, ee  ku qariyey-qariyey ee gun cad.

* N.B Waraabaw In Aad Saamo Jiido Iyo Sanqadh Tirasho Kala Daa!
Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...