Dulmiga Dadka Ruux Ku Falay,U Daaya Dahab Iyo Xarriir, Dulmane Isnaceeb U Daa, Hadduu Diidi Waayo Ceeb.

0
Friday January 10, 2020 - 09:38:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dulmiga Dadka Ruux Ku Falay,U Daaya Dahab Iyo Xarriir, Dulmane Isnaceeb U Daa, Hadduu Diidi Waayo Ceeb.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB). SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB). SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

 

1-DULMIGA DADKA RUUX KU FALAY,INKASTU DAHABIYO XARIIR,

DUUNYIYO MAAL BADAN DALDALO,DURUFO ADAGBU ARKAAYO,

DEREJO WUXU MOODAYAA,DILAYOO DAAYIN DABA SOCDOO,

DABIIBIYO DAAWO MA LEH,DARXUMAANU KU DANBAYNAYA.

 

2-DULMANAHA DULINIMO U DAA,HADDUU DIIDI WAAYAY CEEBTA,

DOQONIIMU DULQAAD DHALAA,XUMAANTA MARKUU DUGSADO,

WANAAG QOFAAD DAAJISOO,NACAYBUUN KA DOOR BIDAAYA,

DAGAALKU XALBUU NOQDAA,HADDAAD DOONAYSO NABAD.

 

3-DADNIMO LOO WADA DHAQMO,DUGSON WAA WADA JIRKEE,

DIBINDAABYO HADDII AY TAHAY,DARAATAAN SOO MARNAYE,

DEGTAADA WAXAD SAARATAA,DUSHAADA UBADKII OGGOLE,

DUBQALOOC HA XANBAARANINA,WELIGIIN DABADAY JIROOW.

 

4-DERISKAAGA NINKA DIIDAN BAAD,WALAALO KA DOONAYSAA,

DURBAAN BEENOO LA TUMO,DANTAADA RAACABA KA ROON,

REERKAA RARANEEN DEGEYN,RAFAADSANEE RIIQDA GABAY,

RARARKA NALA SOO GALAAY,RIYUUNBA KAGA  DHEGTAYE,

RUN BAY MOODAAN BADHKEEN,RIWAAYADAHAY JILAAN.

                          ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...