Haadda U Qashaye Hilib-Keedda Cun ( Abdi-Shotaly ).

0
Friday January 10, 2020 - 09:35:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haadda U Qashaye Hilib-Keedda Cun ( Abdi-Shotaly ).

    Waxan Maanta halkan doonayaa in aan ugu quus gooyo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan Maanta halkan doonayaa in aan ugu quus gooyo,
 dhuuni raac-yaddii loo adeegsan jirey kala qaybinta beesha Mataanaha " Arab Iyo Garaxajis" ee xilka ku doonan jirey iyo hunguriga, hadana iska dhigi jirey in ay naf u hayaan, kula socon jirey murtiddii ahayd " Nimaan qali qamuun-yadda ka dhawr oo foolasha u qaawi, qadacaa ilkaha yuu arkine, hawba kala qaadin" Ee iska dhig-dhigi jirey Waddani.Waxan leeyahay Kuwaas iyaga ah, indhaha ku kala qaadeen waxa ka dhacay Garoonka Cigaal ee diyaaradaha, iyo sarbeebtii ahayd " Qudhaan-jooy naa ku quuso" oo hunguri kuwuu diinta ka saarayaw wax ku qaata. Ma jirto wax la wadda leeyahay oo dambe iyo maamul dad ka dhexee-yaayea " In la kala tegay waan u taagnaa", Ma jirto wax Somaliland la yidhaahaa ee kuwii halkaa dhigay ha is eersadeen. Waa kuwaas labaddii Xusbi ee mucaarid ( Waddani iyo Ucid ku midoobay wixii ay ahaayeene, Waxan leeyahay hanaga dhex baxeen kuwii ay caruurtu ugu heesi jirtey " Tuugaw mareegaale, adigoo lax gaadaaya, bahal-kaba mas kaa goosay" Waxan uga socdaa, yaad kala xadi ee dambe, lagu arag waxaad tahaye, oo waa taas cidla lagu soo taagay saaka, noqday xuunshaddii madoobayd, tukihii cadaa iyo dameerkii sakna madoobaaye, ma cirkaad qaban mise dhulkaad ka dusi kuu dhamaatye.
 


Beri baa niman geel jire ah, oo hal keli ahi ay u irmaanayd ku heshiin waayeen, intii caanaha ahayd ee ay ka soo liseen, oo mid damcay in uu ka badsado ka kale, kii kale-na waa ka wixiiba daadiyey ee yidhi " Dhaaxay dhacar curubiyo, dhimbiil daaqdee, dhereg uga daray, bay u dhimatee, nina kuma dhamo, dhiilkan caanee, Dhulka ku af roga, ha dhaharatee"  waa sidaase ee aan ka war dhawrno, halkay ku dambaysaa waa dagaal uune. Horaa loo yidhi " Fiqi Tolkii kama jano tago", Ereyga ah " Fiqi" waa ka aqoonta badan wadaad iyo sheekh ( Marka laga hadlaayo diinta), ee la yidhaaho cilmiga diinta buu aad ugaga xeel dheer yahay inta kale ee sidata "Kutubta diinta" Ujeedadda laga leeyahay-na waxa weeye, marka ay qaraxdo, ee la kala ab-tirsado wuxu raacaa reer-kiisa. sidaas oo ay tahay, waa kuwaas Mataanihii dhoola tuska ku sameeyey Hargeysa, ee ka naxaw iyo daba dhilifaw naftu ha kaa boodo. Waxan halkan hoose ku taataaba-nayaa, bal intaan soo koobi karo ee ah kuwa magaca beela-haas sare ku qoran, siiba Garxajs magaciisa xilka ku raad-sadda, Waana kuwan ee ku soo dhawaadda:-

(1) Ina Waran-cade,
(2) Cali Baqdaadi
(3) Amb. Cawil,
(4) Saciid Sulub,
(5) Boos Mire,
( 6) Jaamac Shabeel,
(7) Ina Cabdi dheere,
(8) Mingiste,
(9) Ina Xirsi Gaqni,
(10) Ina Laan-gadhe, waa ka ay ugu yeedhaan Cabdiraxmaan Goode.
(11) Daba-gale iyo qar kaloo badan oo kuwaas ku sii daba-nool, una tuuraan nijaasta iyaka lagu biiliyo, cad-quudheed ka sii liita.


Waxan ku soo xidhay maqaalkan, oo aan doonayaa in aan wejiga xun ee caada-qaataha kaga dhufto jiingad waa abaal-koode. Akhristaw " Dhubuq-dhubuq hore, dhabana hays dambe bay leedahaye" waa kuwaas haadda u qalaye, ha cuneen hilib-keedda camuudda leh, oo aynu eegno cidda caano ka qubtaan. Muwaadin Sidan hoos ku taala iyana bal ila akhri. Nin baa wuxu yidhi oo murti uu lahaa ku jirtey " Shalay bay ku dhaantay-nayeen dhimay wadaad-kiiye" Waxan sidaa u leeyahay, malamahan bay jeegaantu iyo kaba qaad-yadda sare ku qorani, ee ay ku ugaadh-sadaan lahaayeen waa la xidhayaa " Ina Cali Waraabe", qaarna lahaayeen siddii "Janaral Caarre" baa dalka laga mastaafu-rinayaa. Waxan hadaba u sheegayaa kuwa cayn-kaas lahaa, oo ay u horeeyaan inta sare aan ku magacaabay, hadaladda sidaas ah afka kama ay odhane, ha is waydii-yeen halka ay ka soo baxeen. Waxana aan ugu digayaa ereyo kooban, haddii in uun aad maskax wax qaadata leedihiin, Waxana ay tahay maah-maah odhanaysa " Ninkii dhici jirey dhib kuma aha, ee dhawaan soo baxaw ha dheeliman", Bur iyo biyo bay u kala baxaysaa, wakhti aan sidaas u sii fogayne, Waxan askariga leeyahay dhegaha xidhan " Halkaad ku qashay bay taalaaye ku karso, bal aan eegno cadka aad ka cuntide.


* N.B Dhaaxay Dhacar Curubiyo, Dhimbiil Daaqdee, Dhereg uga daray, Bay U Dhimatee, Nina Kuma Dhamo Dhiilkan Caanee, Dhulka Ku Af Roga, Ha dhaharatee.
Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...