Hadal haynta ugu badan magaaladda Gabiley waa Maktabad ( Library ) laga dhisayo
badan ku yaallaan, taas oo mustaqbalka cisbitaalku ka maarmi doonin.
dhismayaasha ku yaalla oo lacag ku dhow sodon kun lagu burburinayo, taas oo wax kale looga faa’iidaysan lahaa haday tahay dhismaha la burburinayo iyo dhaqaalaha ku baxayaba.
Miyaa loo waayey dhul banaan oo dhismaha cusub laga hirgaliyo inta dhul cisbitaal leeyahay laga dhisayo ama dhismahaasi hore la duminayo ee lacag ku baxayso.
Waxa kale ee la is waydiinayaa shirkadda dhisaysa oo wali la shaacin tartanna loo galin, waxa kale oo dhismaha maktabada la socota makhaayad iyo goobo lagu jimicsado iyo qayb beero ah, qaybaha ganacsiga ee maktabada ku lamaan ma dawladaa leh mise dad shicib ah.
Lacagta ku baxaysa maktabadaasi waxay dhan tahay afar boqol iyo sodon kun oo dollar (waa dhismo la dhisayo iyo dhisme la burburinayo lacagta ku baxaysa), boqol kun dawlada hoose ee Gabiley bixinaysa, laba boqolna wasaarada waxbarashada, konton kun nin ganacsade ah, inta soo hadhayna qaadhaan baa lagu soo ururinayaa.
Wasaarada waxbarashada ee bixinaysa labada boqol ee dollar, waxa ka aradan waxbarashada gobolka oo kormeerka waxbarashadda ee gobolka Gabiley waxay la’ yihiin dhaqaalihii ay shaqadooda ku fulin lahaayeen, taasina waxay keentay in ardayda laga ururiyo min hal dollar si kormeerka waxbarashda dugsiyada ee gobolka loogu fuliyo.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!