Sir Si Hoose Uga Soo Baxday Maamulka Hargeysa.

0
Thursday January 09, 2020 - 08:05:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sir Si Hoose Uga Soo Baxday Maamulka Hargeysa.

    War ay sheegeen dad xogogaal ahi, oo ku dhawdhaw Maamulka askarta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War ay sheegeen dad xogogaal ahi, oo ku dhawdhaw Maamulka askarta
ee Hargeysa, ayaa wuxu yahay. In aqalka uu Hargeysa ku leeyahay Saleebaan gaal, uu Habeen hore oo bishu ahayd 06/01/2020, ay shir isugu yimaadeen, kuba kulmeen 7 xubnood ee Komishankii hore, odayga da'da taagan ee saleebaan Gaal, gudoomiyaha Wakiilo ku sheega ee Bashe, Saylici, ka arimaha gudaha ku amar-ku-taagleeya iyo wasiirka maaliyadda.

 

Shirkaas isaga ah waxa lagu qanciyey Komishankii hore in ay yidhaahaan la shaqayn mayno Cirro iyo waddani, waayo waakii kalsoonidda nagala noqday, inta kii walba la siiyey $30.000. Si loogu qanciyo Cabdiraxmaan Cirro way diideen Komishankii hore in ay xilka ku soo noqdaan. Maadaama ay sidaas tahay-na kuwan Cusub ee la dhaariyey baa xilka haynaaya.

 

Go'aan kaas laga soo abaabulay guriga Saleebaan Gaal, baa waxa maalinta Sabtidda ah ee Bushu tahay 11/01/20, loo sheegayaa Cirro iyo Faysal in ay ogolaadaan duruufta timi, maadaana ay inaga gacan taagteen Komishankii gudidda dhexdhexaadintu tidhi ha la soo celiyo. Haddii xaalku halkaas marayo, labadda Gudoomiye Mucaarid waa Faysal iyo Cirro"e, waa in ay yidhaahaan, ha la tuuro labadda Komishanba, oo mid sadexaad oo dhex ah ha la soo doorto. Cirka ha isku sii shareerto, oo haku dambayso " Ila Meerayso" iyo hadalkii Mujaahid Abdi Ibrahim lagu xidhay, markii uu runta ka sheegay xaqiiqdda Hargeysa taala.

Qore;- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...