Maxay Qaarada Africa u tahay faqri (why African continent is poverty) part 1

0
Wednesday January 08, 2020 - 09:32:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Qaarada Africa u tahay faqri (why African continent is poverty) part 1

    Africa waxa ku nool ku dhawaad dad lagu qiyaaso 1.3 billion

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Africa waxa ku nool ku dhawaad dad lagu qiyaaso 1.3 billion
tiro ahaan  waxay tahay qaarada labaad ee ugu populationka badan aduunka marka laga yimaado Asia oo ayku nool yahiin dad lagu qiyaaso 4.4 Billion, dadkeedu waxu u qaybsama shan qaybood (five region) oo kala ah waqooyiga africa (North Africa), bariga africa (East Africa), badhtamaha africa (Central Africa), galbeedka africa (West Africa), koonfurta Africa(Southern Africa).

 

Afrika waxay ka koobantahay 54 dal waxay leedahay khayraad aad u badan oo ay ka mid yahiin diamond, sugar, salt, gold, iron, cobalt, uranium, copper, bauxite, silver, petroleum and cocoa beans,

Marka laga reebo dalal yar oo faro ku tiris ah Africa dadkeedu waxay u badanyahiin dad faqri ah hadaba waa maxay sababta ka dambaysa in ilaa manta oo aduunku dhaqaale ahaan iyo technology ahaanba marayo meel aad u saraysa ay Africa isbadal muuqda u samayn wayday?

Markaan meelo badan so akhriyay waxaan ogaaday in Africa ay ugu wacantahay faqriga qodobadan hoos ku qoran.

1.    Dagaalada sokeeye (civil wars) oo ka dhacay ilaa hadana ay qaarkood ka socdaan dalal badan oo ayka mid yahiin  Mozambique, Angola, Sudan, Liberia, Rwanda, Sierra Leone, Burundi, Guinea-Bissau, Ivory Coast, Chad and Somalia iyo qaarkale.

2.    Waxbarashada iyo Aqoonta oo ilaa hada aanay dadka qaarkood gaadhin schools waxbarasho halka wadamada qaarkood ay waxbartaan kaliyaata dadka dabaqada sare ee iska bixin kara fee’ga schoolada iyo dadka waxbarta oo aqoonta ay bartaan tayadeedu hoosayso.

3.    Farogalin shasheeye oo aanay xor u ahayn marnaba masayrkooda iyo rabitaankooda ilaa imikana gumaystayaashi so aan caadi ahayn gacanta ugula jiraan (Indirect colonization)

4.    Dadka oo tiradoodu aad u kordhayso iyo waxsoo saarkooda oo aad u yar

5.    Musuq maasuqa aan dhamaadka lahayn (the unending corruption)

6.    Caawimaada aduunku siiyo (international aid) markasta oo caawimad la siiyo waxay meesha ka saartaa inay iskood wax ulaso baxaan iskuna talo galaan oo ay waxsoo saran

7.    Hogaamiyeyaasha ugu badan oo ah qaar kaligood talis ah (dictators)

 

Hadaba side ayaa xal loogu heli karaa ama Africa isbadal dhaqaale loogu samayn karaa,

1.    In dadka Africa ama intii isku dal ahi waxwada qabsadaan iyadoon loo eegayn diin, midab iyo qowmiyad ama qabiil.

2.    In dhamaan dhulka baadiyaha ah iyo meelaha aanay waxbarashadu ka jirin schools laga furo aqoontana la faafiyo.

3.    In dadka Africa lagu jiheeyo waxsoo saarka haday tahay dhanka dhulka iyo warshadahaba inta ay awoodaan si ay u gaadhan isku filnaansho

4.    Musuq maasuqa in la kaantaroolo si kharashadka la lunsado bulshada wax loogu qabto

5.    In dadku doortaan hogaamiyeyaal ku haboon oo leh aqoontii iyo kartidii ay dalka horumar ugu horseedi lahayeen iyagoon u eegayn diin, qowmiyad, midab iyo qabiil toona

6.    In dadka ree Africa iska diidan faragalinta shasheeye iyaguna isku tiirsadan si ay wax u wada qabsadaan.

 

 

 

By:Mohamednasri Ahmed Omar

Email: [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...