Maxaa La Iga Soo Heli Berriba Waan Lumiye Ayey Cornaylada Somaliland Leeyihiin
Haddaan xaaladda CIIDAMADA SOMALILAND la hagaajin oon daryeelkooda
iyo
Caddaaladooda iyo guryentooda iyo mushahaarooyinkooda wax laga bedelin
beri ka maalin Cornaylo Bari iyo Galbeed iyo dhexdaba way ka cadhoon oo
wey ka jabhadayn. Waxaa hubaal in haddaad qof kasta oo Somali ah
weydiiso dhaqaalaha Somalidu maxuu ku xidhanyey wuxuu ku odhanayaa
XOOLAHA NOOL AYAA DHAQAALAHA SOMALIDU KU XIDHANYEY waa run arintaasi
waana ta suurto gelinaysa in cid kastoo reer miyiga u tagtaa inay la
noolaan karayaan oo waa nolol barakaysan oo ah tii Allah u diyaar
gareeyey XAWA IYO ADAM MARKII JANNADA LAGA SOOTUURAY TII BAY KU
NOOLAYEEN CORNAYL CAARRE IYO CIIDANKIISU HADDAAN NOLOSHA iyo
caddaaladda Military ga SOMALILAND wax laga bedelin cornayl kasta
wuxuu maxaa la iga soo xero gelin berriba waan bixiye. Waxaa (along the
line ku soo jira) jabhadayn badan haddana reaction ka la joojin xagga
maamulka waayo xayawaanka ayaa (reaction) ka sameeya dhacdooyinka
laakiin waxayaalaha Allah binu Aadmiga ku karaameeyey waxaa ugu horeeya
waa MAAMULKA markaa arintan CORNAYL CAARRE waa in Madaxweynuhu ka
sameeyo (PROACTION NOT REACTION) OO UU wadanka uga faaiideeyo Gen.
CAARRE ISAGUNA XUKUNKIISA IYO XUKUUMADDIISA UGA FAAIIDEEYO OO LABADII
SANO siduu waxanoo dhinacyo kala duwana ula soo falgalay hadday Maamulo
tahay hadday qabaail kala siyaasado ah tahay hadday reer miyi tahay
hadday malaysiyaad iyo salaadiin is huwan tahay iyo wixii la mida.
Labadaa sano CAARRE CAARRE iyo dhacdooyinkuu la soo kulmay iyo goaanaduu
gaadhay iyo Sirdoonka uu ku soo shaqeeyey waa la qiimeeyaa
Madaxweynuhu la taliyaha Jabhadaha iyo sida looga hortegayo waa in
Xafiiska noocaasa CAARRE loo dhiibaa waayo waa SOMALILANDer dhaba.
Haddaan ka hadlo dhinaca kale ee SOMALILAND ku jabtay ee laakiin ay u
haysato horuumar waa noloshan dhulboobka ah ee xadhkaa goosatay we nin
waliba intaasoo boloog konton kun oo dollar ku dayray tusaale ( Berbera
ayaan anigoo Madaxda Magaalada la socda ayaa aan xagga GALBEEDKA uga
baxnay waxaa la I hortaagay boqolaal baloog oo yidhi kan Siilaanyo ayaa
leh,kan Dalab baa leh kan Oomaar baa leh, kan ina awsaeed baa leh, kan
Amina Weris baa leh kan Dahab Shiil baa leh, kan Mayorkaa leh kan
Xooxoor baa leh kan Muse Biixibaa leh kan kan iyo kan illa Bulloxaar
baasidaasa, Hargeysina ka daran waxaa dhulkaa lagu dayray maalaayiin
lacaga oon dib wadanka ugu soo noqonayn cid iibsankartaa oo SOMALILAND
ahi ma jirto sicirka lagu sheegaa waa Artificial, ummad DEBEDDA intay ka
TIMAADO iibsanaysaa ma jirto oo wax ku falaysaa dhulkii Somali Republic
la isku odhan jiray ma jirto .maalinta qarax ka dhaco Mogadisho iyo
koonfurta wadankoo dhan inta Somali joogto (images) fool xun baa sii
kordhaya. Markaa somaliga wuu ogyayhay in dhaqaalaha ku xidhanyey
xoolaha nool ee Allah siiyey dayrarkani wax xidhiidha xoolaha nool lama
wadaagaan wadadaa qaladan baynu soddon sano sii haynaa ummad kale oo
warshado iyo shaqaale dayrarkan dhigaysaa ma jirto. Madaxweyne kastaa
dadkii local ka ahaa buu ku milmayaa bal amarka ilaahay dabadeed
Xukuumaddii na shacabkii bay ku milantay waa ta keentay inay qaadno
wadada Jabhadaha. Jabhad laga adkaankaraana ma jirto.
Waxaa loo baahanyey Madaxweyne wadadan qaldan inaga soo celiya.
M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...