Qof Bukaa Meel Uu Xukumaa Baylah Badanaa ( Abdi-shotaly).

0
Tuesday January 07, 2020 - 18:04:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof Bukaa Meel Uu Xukumaa Baylah Badanaa ( Abdi-shotaly).

    Belooy baalka ka qaad, aan badh kuu jebiyee,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Belooy baalka ka qaad, aan badh kuu jebiyee,
Allay lehe haday isugu habar wacatay, oo ay noqotay " Hobiya-hidooy" Waa bilaashoo, boob baan ku helee, bililiqa-daas yaan lagaa badin, misna been uun, boodhka ka hurgufa, bushna-haagga runta baal mari. beello kale iyo, meelaan bahal jirin, bidhaan ugu sheeg, wax bay bi'iyeen. Akhristaw maali-ba maalinta ka dambaysa, baa dabadda loo sii rogayaa meeshan ( waa Maamul goboleedka Hargeysa ka dhisane) oo in yari isku xeertay hantiddii ummadda keli-good, hadana meel aan jirin oo been ah loogu fiiqayaa farta. Waxan halkan idiinku soo ban-dhigayaa, dariiqoo-yinka cusub ee lagu sii kordhiyey tuuga-nimaddii loo ban-baxay. Waxa hadda bilaabmay oo cadaan ah iyo shaki la'aan, in kii kaste ee xil loogu dhiibay beelnimo, uu isna wiilkiisa u sii magacaabo meelaha ugu sareeya maksabka u aabihii walaaqanaayo, oo imika ay noqotay shaqadii ummadda loo qaban lahaa, hanti qoys iska leeyahay, adigoon ku daalin halkan hoose ka akhri tafaa-siishii oo dhamays tirin.

 

Ninka la yidhaaho"Af-Dulaaq Darayo" oo beelnimo lagu naas nuujiyaa, intii uu askari-gani waalani meesha haystay-na, kolba loo dhiibo halka ay markaa ka qoyan tahay, kaas oo askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" uu gacanta u geliyey mashaariicddii biyaha si ay uga fara-qabsadaan isaga iyo "Af-dulaaq", oo Ururka Yurub uu ku bixiyey $45,600,000 ( oo Doolarka maraykanka ah), Baa ilayn waa wax bilaa xishood ah, yaq-yaq-soonayn, wax-na isku falayne oo aan iskula hadhayne, uu hadda "Af-Dulaaq" ku soo saaray wax uu ku sheegay "Wareegto Qoys" isaga oo ku carabaabay Injineer Wiil uu dhalay " Af-dulaaq" oo la yidhaaho Diiriye Mohamed Muse Diirye, isaga oo ku meeleeyey xil uu u bixiyey " Gacan yaraha Injineerka Mashaa-riicdda Biyaha, oo afka Ingiriisiga ah ku noqonaaya " Assistant Of Water Project Engineer" oo Mashaa-riicdda  biyaha ah. tuugo loogu sii banaysa-naayo, in uu inan-kiisu maalin-ba mashruuc wax lagu cuno uu soo sameysyo, ilayn Aabihii " Af-dulaaq" Baa u haya'e, xaalku wuxu yahay maah-maah-ddii ahayd " Dameero isku halayn, bay hooya-dood dabadda uga nuuaan" Waa meel lagu kala tegay, oo dugaag iyo cayayaan duufka cuna lagu sii daayey, weliba koron-koro lagu sii aasaayo, hadhaw ku soo kacdda ama baxdda, Waxana ay yihiin kuwan loo sii taba-baraayo tuuga-nimadda ee iga qabta:-

 

Waxa hore tix ugu jirtey somaali-yeed oo ahayd " Nin sabool ah iyo awrka raray-ba, way sibiq dhaqaaqaane, socod-kana ma daayaan, sad oo celiya mooyaane" Waxan uga socdaa Meel Nin bukaa ka madax yahay, baylaha badanaa, shaw waa iska dardarso iyo cidi kuma arkaysee Aqala jeexo. ilayn waa guri loo soo tafa-xatay in lagu kala dareero'e, bal hadda intan hoose ee soo socota iyana ila eega oo run ah aan xabad been ahi ku jirine:-

(1) Ka ugu horeeyey ee arin-taas lagu dhaqaaleeyey, Waa wiilka uu dhalay Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay", Kaas oo uu qandaraas ku siiyey, in uu madax ka noqdo "Dahabka" laga boobaayo Buurta Daallo, ee ay dhurato shirkadda ay leeyihiin jeegaantu lana yidhaaho " Asli Daallo Project" oo ah ta dahabka ka soo gurata Buurta kor ku taal ee Daallo.

(2) Ta labaad, Waxan sidoo kale halkan aan ku cadaynayaa, kii labaad ee isna uu Aabihii u magacaabo maksab sare, oo ka mid ah halka uu haysto aabihii, isna waa ina af-dulaaq ( Diiriye Mohamed Muse Diiriye), oo sidda aan kor ku sheegay uu shalay u magacaabay Injineer magac u yaal ah, ilayn wa axoolo urursiye, oo waa meel nin iska leeyahaye. inaadeer-kiina uu kursi aanu lahayn isugu ruxaayo'e,

(3) Ka Sadexaad isna waxa weeye, Ina Geenyo Shaaximan, oo loo xil saaray, Sir-doonka sii basaasa arimaha beelaha isku haysta Ceel af-weyn, hub-kana u soo iibiya, si aanay isu taagin colaadda Ceel-Af-Weyn" ilayn kharash baa lagu cunayaaye. Hora aloo yidhi " Qof bukaa meel uu xukumaa, baylah badanaa. waxaas aan sare ku soo qorey, iyo qaar kale oo aan ku daba jiro iyana, baa muwaadin hadda ah bello hor leh oo loo sii gogol xaadha-naayo, wayse ku hor iman indha-haaga oo shan ah.

 

 Sheeko baa ahayd " Ka qal-dhebaayaw, anaa qaatoo waan qadhiidhee, haygy qoonsanin , anaa qaybshoo, qoyskay siiyee, ma qaxwaan qubay, haygu qaylinin, waan qarsanayaa" Waxay ahayd Riwaayaddii Sulub Tarabi ( Haduu Dhintay Illaah ha u naxariisto'e) Xaajo-ba la yaab lehe bal aan qodo xabaalaha" Waa meel loo soo biyeystay, oo ku dambaysay  inoo kala goo wax meesha soo galla, oo yaan shilin ku dhaafin, wuxu yidhi wadaadkii Ina Cabdale Xasan " Caamir waa saleelee, annaa haatan caymadiye", Waa tii oo weliba hoos loogu sii daadegay oo qoys noqotay, maraysa in uu oday tuuga ahi iyo wiil-kiisu wasaarad, shirkad, hay'yad gaar ula baxaan. Maalin-ba wado cusub baa la sii jeex-daaye, waa taa imika la sharci-yeystay, in uu nin-ba halkii uu ku hor kaaji jirey, uu qoys-kiisa hoos ahaan ugu wareejiyo, Sadexdan oo keliya maahee waa sheeko bilaabantay, ee waan la socon doonaa, kolba ka soo kordha, iyo koron-koradda dilaacdaa, halka ay ka soo mudh tidhaaho.

* N.B Ka Qal-Dhebaayaw, Anaa Qaatoo Waan Qadhiidhee, Qoys-kaan Siiyee, Haygu Qoonsanin!

Qore:- Abdi-Shotaly. 

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...