Ifaafalahii Dagaalkii Sadexaad Qaybtii 4aad
Waxa uu Shiinahu ku dhawaaqay in uu ku gadanayo naftada young
lacagtiisa, si uu dahabka ugu qiimeeyo, waxaanu heshiiskaasina a isku raacay
ruusha iyo shiinahu in naaftada iyo Gaaska ku kal iibsadaan lacagahooga, si dolerka
looga maarmo, kadibn markii Fansuwelana
sheegtay 20117kii in ay naftadeeda ku iibinayso lacag aa naan ahayn dollerka . sababtoo ah cunaqabataynta uu marykanku saaray, markii taasi dhacday
marykanku waxa uu isku dayey in uu inqilaabo dowlada maduuro iyo xukumadiisaba
qas iyo qalalaasena ku abuuro
Xaaladahn cusub iyo turkiga
Kadib markii uu fashilmay inqilaabkii
maletriga ka danbeeyeen ee dalka Turkiga ee sandkii 2016kii ,waxa uu
madaxwaynaha turkigu waxa uu dedejey in uu qaado talaabooyin gunti giijisa oo aad iyo aad u kulul oo dhaqaale
turkiga uu ku reebay inqilaabkii ,
waxaanu siyaadiyey Turkiga in uu kaydsado DAHABKA si ay la cagteeda u badbaado.
waxayna kayd ahaana u dhigteen 269 tan oo dahab ah ,sandkii 2018kii , waxa kale oo ay kaydsatay
116tan oo dahab ah sanadkii 2011kii, waxayn .si ay u socodsiiso heshiiskii ay
wada galeen Iraan ,Ruushka , iyo Shiinaha, si ay u adeegsadaan lacagahooga
gaarkaa tijaarda , oo ay yareeyaan isticmaalka doolarka,
Dhanka kale hadii aynu ka eegno waxa uu
turkigu waayey heshiskii (Tashiin ) ee
ahaa khadka Gaaska laga soo qaadayo
aasiyada dhexe ilaa Ruushka ilaa Yurub, ee waxayna Turkiga iyo Ruushku waxay
arinkaas u dejiyeen hab jaajauusnimo bariga Yurub si ay ugu abuuraan mucaaradad
ku jihaysan siyaadada marykanka gobolka, iyo dadaal gaadhsiined iyo isku dheeli tir quwada dhaqaale ee
galbeedka iyo bariga , intaas kadib waxa uu mashruucaasi banaanka soo dhigay
habka laga dhigayo Istanbuul una noqonayso xarun dhaqaalaha aduunkaa, si taasi ay u sahasho in lafuro dariiq xariir oo cusub sanadkii 2017kii, kaas oo isku xidhaaya Shiinaha iyo bariga
Turkiga oo ah wado tareen oo xadiid ah oo isku xidhaysa aasiyada dhexe kaas oo ka gudbaaya bad madow iyo turkiga,
Maraykanka iyo iska horimaadkan taagan
Markii TRUPM soo gadhay guriga cad sandkii
2017kii ,waxaa uu isku dayey in uu
bedelo qawaacidka ciyaarta waxaanu kusoo royey cuno qabatayn dhaqaale dalka
shiinaha si uu u bedelo korodhka tijaarada shiinha iyo wax isdhafsiga dalaka
maryakanka , iyo iibsiga gaasta maryakanka ee uu ka soo iibsaday una bedelay
dalka Ruushka, si ay isku dheeli tirto xulufada NATO in laga fageeyo dhoolo tuska xuduudka
Shiinaha iyo Ruushka , iyo in uu waxa ka
bedelo isku dayida IIraan ee uu ku sheegay irhaabi, waxaanu ku soo rogay
cunoqabatayn dhaqaale si uu uga horjoogsado IIRAAN in ay ka iibiso naaftadeeda
dalka Shiinaha kaga iibiso young ,
waxayna taasi ku ka liftay IRaan in ay daciifiso dhoofintii naftadeeda yurub
iyo Shiinha , waxayna arintaasi ka gudubtay Khaliishka Cumaan ilaa Sacuudiga ilaa Maleeshiyaadka
xuutiyiinta si loo ciqabo , arintaasina
waxay keentay in cunaqabataynta IIRAN ay
reer Yurub kaga jawaabaan in ay diyaariyaan nidaam wax
iswaydaarsi tijaariya oo lagula dhaqmayo Iraan si cuna qabataynta marykanka
aanay wax u yeelayn ganacsigooda, nidaam kaas oo la yidhaahdo, (instykis ) taas
oo xoojinaysa amaba wax yeelaysa sida foosha xun marykanku ula dhaqmayo
nidaamka dowligaa, taas oo ku noqonaysa marykanka dhib kaga iman doonta
nidaamka dowligaa iyo dhaqan xumadiisa,
By: khadra adam aw muuse
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!