OGEYSIIS MUHIIN AH: Ku Codka-Tijaaboda ah ka qayb-galayaasha

0
Thursday March 28, 2019 - 15:53:53 in Articles by
  • Visits: 1353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    OGEYSIIS MUHIIN AH: Ku Codka-Tijaaboda ah ka qayb-galayaasha

    OGEYSIIS MUHIIN AH: Ku Codka-Tijaaboda ah ka qayb-galayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

OGEYSIIS MUHIIN AH: Ku Codka-Tijaaboda ah ka qayb-galayaasha


Waxaan halkan ugu mahad celinayaa dhamaan dadka Reer Hargeysa iyo Nawaaxigeeda deggan ee fikirkodii soo dhiibtay, fadlan iga qaadotaladdan marka hore intaadan Codkaaga qiimaha leh i siinin:-


1.Waa inaad tahay qof KAADHKII Codeynta haysta amaqaadan doona .

2.Qofka ay u qorshaysan tahay in uu Codeeyo maalinta la codeyn doono, kana codeyn doona MAROODIJEEX oo kaliya.



3 Ogaada waxaan wax idiin weydiistay Codkiina si QADARIN & XUSHMEYN LEH.

4.Ma gayo,qofna ma jecla in la caayo, la af-lagaadeeyo,luguna sheego wax uuna aheyn.


5. Caruurta iyo kuwa buka looma ogola Barnaamijyaddan oo kale in ay ka qaybqaatan.


6. Kuwo idinka idiin ka midow, Haygu la dhicina SHAKHSI NACEYB,REEREYSII,QABYAALAD,XIQDI,JAAHILNIMO KOOXEYSI,GOBALEYSI, iwm


7. Kuwo idiinka midow, Ha ii tiigsanina,ha iguna cabirina Shakhsiyaadka idin Jiyad jabiyay ee Afka dhulka idiin daray markii aad doorteen,ka saliim ban ahaye.


8. Waxaan ogahay ha igu celcelinina oo ah in Golaha Deggaanka in an marka hore la soo galo,dabadeed la iska sii dhex sharxo .Waxa jira two factors oo ah:- Anigu Rashiid ahaan Nidaamkan ku saleysan qabyaaladda ee lagu fashilmey haddi lagu soo celiyo ,anigu ku ma jiro absolutely mana galaayo Doorasho sidaasi ah.Labo:- waxa dhici karta in Dawlad iyo Shiciba la isla qaato in laga guuro Nimaadkaasi oo sharci Cusub lagu badalo oo ah qofka marka hor Xisbigiisu soo saaro,dabadeedna saddexda Xusbi soo baxa dadweynuhu kalo sii doorto,taasi uun baan haweysan kara. Warkayguna waa CAD YAHAY.

9. HAA IYO MAYA uun taabo kii aad dooneysid ,waayo dhawr kun oo qof faallo dheer wakhti uma hayo,inay cidla ku dhacdana laga wanaagsan!.

10. Intiina an fahansaneynin Cod-qaadistan tijaaboda ahi,waa wax adduunweynaha ka dhaca ,waana wax kaligay i khuseeya oo aan ujeedo ka leeyahay haddii Maanta ay dhacdo Doorashadaasi halka ay dadkaygu iga taagan yahiin,maadama Wakhti badan iyo tacab badani iga galay.

11.Diinteena Suubani illama ah in ay diideyso ama ka soo horjeedo qofkii Nidaam jira oo bulshadiisa ka dhex jira ku fakara, una helooba in uu wax wanaagsan oo Diin iyo Dad iyo Dalba ku soo kordhiyo.

11. Fadlan ha I weydiinin Reerkayga, C-Vga, Xusbigayga ,iwm,waayo kuwaasi imika iyo halkan ma joogto ama kuma habona.

12.Cod-qaadistani natiijadeedu aniga ayuun bey ii tahay SAMPLE oo kaliya.

13.Waxii talo fayow ah ee ad u aragto lama huraan , fadlan ku soo dir E-mailkan [email protected]

14. Waxaan ahay kii dul qaadanaaya waxii ka yimaada arrinkan ,waayo badanka dadkeygu uma baran tan oo kale.

15.Marka hore isla Pagekaasi ka daawo 4 Barnaamij oo an soo bandhigaayo Qorshahayga wax-qabadka.

16.Fadlan ku gal Page-kayga …Haldoor Rashiid Sulub Caalin.

17.Waad mahadsantahay Cod-bixintaada iyo dhegeysiga Barnaamijkaygan.

WABILAAHI TAWFIIQ.

Rashid Sulub Caalin

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...