Dawladnimada Beershiya Waxa Ka Muuqata Qaangaadhnimo Iyo Bisayl Gaamur Ku Dhow...W/Q Hassan Garnayl

0
Sunday January 05, 2020 - 00:30:14 in Articles by
  • Visits: 1362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladnimada Beershiya Waxa Ka Muuqata Qaangaadhnimo Iyo Bisayl Gaamur Ku Dhow...W/Q Hassan Garnayl

    Dawladnimada Beershiya Waxa Ka Muuqata Qaangaadhnimo Iyo Bisayl Gaamur Ku Dhow...W/Q Hassan Garnayl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladnimada Beershiya Waxa Ka Muuqata Qaangaadhnimo Iyo Bisayl Gaamur Ku Dhow...W/Q Hassan Garnayl


Labbaatanneeyahii sannee u dambeeyay dawladnimada Beershiyaanka waxaa ka muuqatay qaangaadhnimo iyo bisayl gaamur ku dhow. Marna kumay hafan gorayo khaakhlaynta dhagaraysan ee galbeedka (waxaa jirta mar uu difaaco si been guur ah u waabiyo weeraryahanka, isagoo iska dhigaaya innuu ku soo boodayo, dabadeed na uu wareeryahanku intuu u qaldamo, siddii saaxiib oo kale ugu baaso kubadda difaacii hor taagnaa).

Image may contain: 1 person, indoor


Mar walba jawaabaha Eeraaniyaantu waxay ahaayeen qaar ka madhan farxad,cadho, nacayb, jacayl iyo jibbo; runtii may ahyn jawaabo kaliya ka duulaya aragtida siyaasiga iyo fatwada wadaadka; waxay ahaayeen tallaabooyin xikmaddaysan, oo dhinaca Laabka ka imanaayey, farsamo khuburadu dhiraan dhirisay sal u tahay (forever 0.4 + 0.6= 1, not 2), iyaga oo aan marna ka gorgortamayn qiyamkooda, hankooda iyo muqaddasaadkooda.


Waxaa tusaale ah siddii ay beesha caalamka ugula xaajoonayeen arrimaha muranka la xidhiidhay Nuclearkooda. Iran marna may hafan dariiquna kama lumin, si fiicaan ayey isku baanbaaninaysay, illaa laga soo gaadhay hishiiska ay la galeen wadamada P5+1ka. Donald Trump oo ku eeddaynaaya hishiiska innuu dhinaca Iran u janjeedho, markuu ka baxay na si miyir qabta ayey ula macaamileen 5tii wadan ee kale. Mar walba oo qoddobadii hishiisku sii saqiiraan ba, waxay iyana sii dardar-galisaa bacriminta maadooyinkii uu ku dhisnaa mashruucooda Nuclear.
Siddoo kale waxaa xusid mudan sidda ay ula noolyahiin cunaqabtaynta aanay cidna xamili karin ee USA miciinka biday.


Dilkii Taliyahooda iyo dhirbaaxa welliba oo ka soo gaadha Maraykanka, waxay kaga jawaabi doonaan tallaabo dhaqan dawlanimada oo aanu degdeg ku jirrin; maha tallaabo lagu bineeyay waddaninimo xabeebsan, qoomiyadnimo caadifadaysan iyo tafsiir diimeed oo daahira.


Ugu dambeyn, dalalka uu cududdooda military iyo dhaaqaale dhismaayo si ay u dheelitiraan maroodiga galbeed sidda India, Turkey iyo qaar kale ba, caalamka tamarta daran ee aynu ka mid nahay, waa u guul hore-u-socodkoodu. Waayo haddii ay jirraan awoodo tartamaaya adigana jaanis baa kuugu jirro, haddiise caalamku yeesho hal Atoore, xaalku waa istawuu iyo istoosiya uun".


W/Q Hassan Garnayl

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...